Somali football » maxaa kala haysta kooxaha man united vs swansea city. moyes ma guuleysan doonaa caawa fikirkaaga ka dhiibo?

Related Post

Maxaa Kala Haysta Kooxaha Man United vs Swansea City. Moyes Ma Guuleysan Doonaa Caawa Fikirkaaga Ka Dhiibo?

Jan 11, 2014 –

Manchester United oo hada ku dhexjirta maalmihii xumaa maadaama todobaad gudahiisa seddex koox ay garaaceen ayaa waxaa ay la ciyaareysaa kooxdii ka soo reebtay FA Cup ee Swansea City .

Ogeysiiska ciyaarta

Kulanka Manchester United vs Swansea City
Garoonka:Old Trafford
Garsooraha:Chris Foy
Maalinta:Sabti
Taariiqda:11/1/2014
Saacada:8:30 habeenimo geeska Africa

Xiddigaha ka maqan Man United:Ashley Young,Robin van Persie,Marouane Fellaini,Phil Jones  iyo Fabio

Xiddigaha ka maqan Swansea City : Garry Monk,Nathan Dyer,Michel Vorm ,Roland Lamah iyo Michu.

Xaqiiqooyinka ciyaarta

Manchester United ayaa badisay afar jeer,marna lagama badin shantii ciyaar ee Premier league oo aya horay ula soo ciyaareen kooxda Swansea City halna bar baro ayuu ku dhamaaday.

Kabtanka Manchester United Nemanja Vidic  ayaa safan doona ciyaartan kulankiisii 200 aad ee Premier league oo uu ka tirsan yahay Kooxdan.

Marka leysu wada geeyo tartamada oo dhan Tababaraha Manchester United David Moyes ayaa looga badiyay afar jeer garoonka   Old Trafford lex kulan oo ay ku ciyaareen,labana isagoo ku badiyay.

Markii ugu dambeysa oo Man United garoonkeeda sidan oo kale looga badiyo waxaa ay aheyd Sanadkii 1986-87) oo United laga badiyay labo jeer,midna bar baro ay gashay hal jeerna ay ku adkaatay,labo bil kadibna  Manchester United waxaa tababare looga dhigay Sir Alex Ferguson .

Swansea City ayaa badisay hal jeer 7-dii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku soo ciyaartay banaanka Premier league,labo baro,afarna waa laga badiyay.

Weeraryahanka Spain  Michu ayaa ka dhaliyay Man United labo gool seddex jeer uu ka horyimaaday ciyaaraha Premier league.

Guushii 2-1 ee FA Cup  Swansea City ay ugu soo badisay Man United garoonkeeda  Old Trafford  ayaa aheyd tii ugu horeysay  oo abid ay ka gaaraan,waxaana ay ka hartay United tartanka FA Cup.

David Moys ayaa raadinaya guushiisii ugu horeysay ee Sanadka Cusub 2014,Seddex kulan oo uu ciyaaray January waa laga wada badiyay.

Man United ayaa ku jirta kaalinta 7 aad ee Premier league,waxaana ay 11 dhibcood ay ka hooseeyaan kooxda horyaalka hogaamineysa ee Arsenal.

Natiijooyinkii ugu dambeeyay ee kooxahan

United 1-2 Swans (Prem, Jan 14)
Swans 1-4 United (Prem, Aug 13)
United 2-1 Swans (Prem, May 13)
Swans 1-1 United (Prem, Dec 12)
United 2-0 Swans (Prem, May 12)

Safka macquulka ah

United: De Gea; Rafael, Vidic, Evans, Evra; Valencia, Carrick, Cleverley, Januzaj; Kagawa, Welbeck

Swansea: Tremmel; Tiendalli, Chico, Williams, Davies; Canas, Britton; Pozuelo, Shelvey, Routledge; Bony

Kooxda Man United ayaa maalmihii u dambeysay soo wajahday guuldaro inkastoo ay tahay koox magac wayn ku leh Horyaalka Ingiriiska welibana ay ka cabsadaan kooxo aad  badan.

AKhriste fikirkaaga ka dhiibo kulanka caawa ka hor yaa vadin doona.

Waxaa Akhrisatay :196

Leave a Comment