Kaalmee masaajidka al-hudda frdrikstad. | somalisk forenning øst.

Related Post

Kumaa nasiib leh oo hela ajar adduun iyo mid aakhiro?

Ilaahay hanaga mid dhigo kuwa la baxa sadaqada aan dhammaan, taasoo uu ka mid yahay ciddii masjid dhista ama dhismihiisaba ka qayb qaadata.

Walaalaha muslimiinta ahoow waxaa lagu tala jiraa in magaalada Fredrikstad laga dhiso Masjid alle oo ay maamulkiisa hormood ka yihiin Soomaalidu, haddaba
masjidka waxaa loo hayaa dhaqaale bilow fiican ah, laakiin aan ku filnayn gadashada dhul ama dhismo nagu filan oo dabooli kara baahida loo qabo, barashada diinta iyo dhaqanka iyo shuruucda islaamka, waxaana muslimiinta looga baahan yahay kaalmo.

Haddii aad u baahan tahay faahfaahin dheeri ah kala xiriir gudiga masaajidka ama culumada taleefanka masaajidka hoos ku qoran,  haddii aad sadaqo la baxaysana ku dir kontada masjidka hoos ku qoran bilkasa inta aad awooddo, xusuusnow sadaqadu yaraan ma laha, waxii aad maanta la baxdana sida alla noo sheegay waxaad heli doontaa maalin aad uga baahi badantahay, waxayna kaaga shafeeci doontaa cadaabka alle.

Tel:+47 965 20 564. 

Kont. nr. 15030292542

Shortlink:

[email protected]

Posted by Mohodin
on December 23, 2012. Filed under Masjidka.
You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0.
Both comments and pings are currently closed.

Leave a Comment